Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), ayaa sheegay in si hoose loo xaliyay khilaafkii u dhaxeeyay Dowladda Dhexe iyo Maamul Goboleedyadda.
Waxa uu sheegay in Madaxweynaha Dowladda Soomliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo), uu ugu mahadcelinayo qaabka uu dulqaadka u muujiyay,wuxuuna sheegay in Dowladiisa ay la shaqeyn doonaan.
Madaxweynaha Jubaland ayaa u mahadceliyay Xukuumadda iyo Shacabka Galmudug oo marti-geliyay Shirka waxaana uu bogaadiyay sida ay ugu guulaysteen in ay isu keeneen dhammaan Madaxda heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed kuna marti-geliyeen Shirka Dhuusamareeb.

