Cumar Filish oo Guddoomiye Cusub Magaacaabay

0

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Cumar Maxamed Maxamuud Finish ayaa Xilka Ka Qaaday Gudoomiyihii Degmada Wadajir Cabdiraxmaan Ow Cali.

Wareegto kasoo baxday Xafiiska Guddoomiye Cumar Finish ayaa waxaa xilka Guddoomiyaha Cusub ee Wadajir loogu Magacaabay inuu noqdo Bashiir Maxamed Cali, isagoo bedelaya Guddoomiyihii hore ee degmadaas  C/raxmaan Maxamed Cali.

Guddoomiyihii hore ee xilka laga qaaday Cabdiraxmaan Maxamed Cali ayaa ka mid ahaa dhalinyarada xooggaga Wadaniyiinta kuwaasoo qaar ka mid ah degmooyinka gobolka Banaadir guddoomiyaal looga dhigey.

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here