Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal u dhaxeeyay Ciidamadda maamulka Puntland iyo dagaalyahanada kooxda Daacish oo maanta ka dhacay Buuraleyda Calmiskaad ee Gobolka Bari.
Sida ay xaqiijiyeen dadka deegaanka Ciidamadda maamulka puntland ayaa Madaafiic ku weeraray Xarumo Ciidamadda Daacish ay ku sugnaayeen.
Ciidamada Puntland ayaa sidoo kale duqayntaasi kadib weerar ku qaaday Malayshiyaadkii ku dhuumanayay Togga waxaana labada dhinac dhex maray dagaal xooggan inkastoo aan weli xog laga helin khasaaraha ka dhashay.

