Guri Ku Dumay Caawa Degmada Xamar-weyne Magaalada Muqdisho+Sawirro

0

Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Guri ka koobnaa 3-dabaq oo caawa kusoo Dumay Degmadda Xamar weyne ee Gobolka Banaadir.

Gurigaan oo ahaa guryihii hore ayaa ku yaala agagaarka masjidka Marwaas ayaa waxaa lahaa qoyska mid ka mid ah xildhibaanada baarlamaanka federalka.

Gaadiidka gurmadka Deg Deg ah oo goobta gaaray ayaa soo saaray dhowr ruux oo kusoo jirey dhismaha dumay caawa oo ku yaala Degmadda Xamar weyne.

Lama oga sababta keentay inuu gurigan soo dumo hase yeeshee guryaha dabaqyada ah ee ku yaal degmada Xamarweyne ayaa u badan kuwo muddo dheer dhisnaa.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here