Waxaa magaalada Cadaado ee Gabalka Galgaduud haatan ka socota qaban-qaabadii ugu dambeeysay ee lagu soo dhaweynayo Madaxweyne Axmed Madoobe oo Maanta halkaas tegaya, isagoo kasoo ambabaxaya Magaalada Garoowe.
Magaalada ayaa lagu arkayaa Dadweyne badan oo isugu jira Haween, Caruur, Odayaal iyo dhalinyaro ah ayaa lagu sii-diyaariyay halka laga soo galo Magaalada Cadaado, si ay usoo dhaweyaan Madaxweynaha Jubbaland, waxaana la filayaa in ay soo dhawyn ballaran u sameeayay wafdiga kusoo aaddan.
Axmed Madoobe ayaa Magaalada Garoowe ee uu kasoo baxayo uga qeyb galay Aaskii loo sameeyay Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Abshir Faarax iyo Madaxweynihii hore ee dowlad Goboleedka Puntland Maxamed Cabdi xaashi.

