Shabaab oo Burburiyay Mid Kamid ah Shirkaddda Isgaarsiinta ee Gobolka Woqooyi Bari

0

Dagaalyahano ka tirsan  Xarakadda Al-shabaab ayaa burburiyay  mid kamid ah Shirkaddda Isgaarsiinta ee ku yaala Gobolka Woqooyi bari ee dalka kenya.

Weerarkaan ayaa ka dhacay Deegaan lagu magacaabo Korakora oo ku yaala Magaaladda Garissa ee Gobolka Woqooyi bari ee dalka.

Dadka deegaanka ayaa laga soo xigtay in 20-dagaalyahan oo ka Tirsanaa Al-shabaab ay gudaha usoo galeyn xalay deegaanka,islamarkaana ay qaraxyo ku burburiyeen Xarunta Shirkadda isgaarsiineed ee ku taala Deegaan Korakora.

Taliska Booliska Magaaladda Gaariisa oo ka hadlay weerarkaan dhacay ayaa sheegay in Shirkadda la burburiyay,kadib qaraxyo lagu xirxiray.

Taliyaha Ciidamadda Booliska Gobolka Woqooyi bari ee dalka kenya Rono Bunei ayaa sheegay in weerarka dhacay uusan khasaare kasoo gaarin dad shacab ah,balse la burburiyay Shirkadda.

Weerarkaan ayaa yimid kadib markii Laamaha amaanka Kenya ay sheegeen in Al-shabaab ay qorshaynayaan weeraro ka dhaca Gobolka Woqooyi bari ee dalka kenya.

Sidoo kale weerarkaan ayaa yimid kadib Laamaha amaanka kenya ay sheegeen in dagaalyahano ka Tirsan Shabaab ay dad kasoo afduubteen Gobolka Woqooyi bari,kadib markii ay gaari kala dageyn.

Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Al-shabaab oo looga hadlaayo weerarka ka dhacay Gobolka Woqooyi bari ee dalka kenya.

Al-shabaab ayaa dhowr jeer weeraro khasaare kala duwan geystay ka fuliyay Gudaha Dalka Kenya,waxayna ku hanjabeen in ay sii wadi doonaan weeraradda inta Ciidamadda Kenya ee qeybta ka ha howlgalka AMISOM ay ku sugan Yihiin Gudaha dalka kenya.

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here