Qodobo Looga Digay Madax Goboleedyada ku Shiraya Dhuusa-mareeb+Dhageyso

0

Waxaa si weyn loo hadal hayaa waxyaabaha ka soo bixi kara shirka dowlad goboleda dalka kaasi oo ka dhacaya Magaalada Dhuusamreeb caasimadda maamulka galmudug ayaa waxaa isa soo taraya guuxa Siyaasaded iyo aragtiyada kala duwan ee siyaasiyiintu ay ka qabaAn waxyAabaha shirkaasi kasoo bixi kara waxaana siyaasiyiinta qaar ee dalku aaminsan yihin in shrkaasi ay kasoo bixi karan wax wanaagsan.

Xildhibaan Warsame Maxamed Xasan (Warsame Joodax), oo tirsan Xidhibaanadda baarlamaanka JFS oo la hadlay Idaacadda ayaa waxa uu sheegay in sharci ay tahay xiliyada doorashooyinka in ay shiraan madaxda dowlada federalka ah iyo kuwa mamul goboledyada cid diidi kartana aysan jirin islamarkaasna aan shirkaasi lagu baajin kari dowlada lagu mucaaradayaa iyo wax la mid ah maadaama uu sheegay in madaxda dowladu ay ku yimaandeen sharci.

Xidhibaanka ayaaan raja wanaagsan ka muujiyay waxyaabaha kasoo bixi kara shirka ay yeelanayaan Madaxada Maamul goboledyada dalka.

Xidhibaan Warsame Joodax ayaa dhankale timaamay in madaxda dowlada federaalka ah iyo madaxda maamul goboledyada dalka aan marka kale laga aqbali doonin midkoodba uu fiirsado danahooda gaarka ah waxa uu sheegay in looga baahanyahay wada shaqeyn tanaasul iyo wax wada qabsi iyo in si wada jir ah loogu adeego shacabka somaliyeed.

Iskusoo wada aruuriyoo hadalka xildhibaanka ayaa waxa uu imaanaya xili haatan dalku uu galay mar xalad kala guur islamarkaasna la filayo in wixii haatan ka dambeeya loo dareero doorasho dalka ka dhacda.

Waxaana inta badan jirta siyaasiyiin dalka horay usoo maamulay oo madaxda dowlada faderalka ah ee hataan talada heysa kaga digaya in aysa meeyaan muddo kororsi.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here