Shir Xasaasi ah oo ka socda Magaalada Dhuusamareeb

0

Magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug waxaa ka socda shir looga hadlayo amniga guud ee magaalada, waxaana shirkani  uu yahay mid edge deg ah oo looga hadalayo sidii ammaanka magaalada loo adkeyn lahaa, maaddaama dhawaan lagu wado in dhuusamareeb ay marto galiso shir ay yeelan doonaan madaxda maamul Gobaleedyada dalka ka jira.

shirka waxaa shir Guddoominaya madaxweyne ku xigeenka Galmudug  Cali Dahir Ciid, waxaana qayb ka ah madax kale  ka tirsan maamulka Galmudug.

Shirkaan oo ay ka soo qayb galeen Wasiirka Maaliyada, La taliyaha Madaxweynaha Galmudug ee dhanka Amniga iyo Saraakiisha hay’ada Nabadsugida Galmudug Saraakiisha Booliska ayaa waxaa sidoo kale  diiradda lagu saari doonaa sare u qaadidda amniga guud ee Galmudug iyo kan gaar ahaan Caasimadda.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here