Ciidan Ka AMISOM oo Qarax Lala-eegtay iyo Shabaab oo Sheegtay Qaraxaas

0

Faah-faahinno dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax ciidamo ka tirsan kuwa AMISOM lagula eegtay duleedka muqdisho sida ay inoo sheegeen dad goob joogayaal ah.

Qaraxa oo ahaa miinada dhulka lu aaso ayaa waxaa lala-eegtay ciidanka AMISOM waxaana ka dhashay khaasare dhimasho iyo dhaawa leh oo saa gaaray ciidanka waddada ku socdaalayay ee ka tirsanaa kuwa AMISOM.

Afar Askari ayaa ku dhimatay halka tiro intaas  ka bandanna ay ku dhawaacmeen, ciidanka qaraxa lala-eegtay ayaa rasaas furay ka dib markii qaraxa uu dhacay, inkastoo aan lasoo sheegin qasaaraha ka dhashay  rasaaasta ay fureen cidamadu.

Dagaalamayaasha Al-shabaab ayaa sheegtay in ay ka daneeyeen qaraxaas, waxana ay sheegeen in ay qasaare gaarsiiyeen ciidanka ay qaraxa  la eegteen, war lagu faafiyay baraha Internet-ka  Al-shabaab ayaa lagu sheegay in ay ka danbeeyen qaraxaas ayna ku dileen afar Askari, halka tiro intaas ka badan ay dhaawac  gaarsiiyeen.

Wali Amisom kama hadlin qaraxaan la sheegay in lala-eegtay ciidankooda ku socdaalaayay, waddada xariirisa muqdisho iyo Afgooye, gaar ahaan deegaanka ceelasha biyaha ee duleedka muqdisho.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here