Dowladda Soomaaliya oo Maanta Dib u Fasaxday Duulimaadyada Gudaha Dalka

0

Wasaaradda gaadiidka iyo duulista hawada xukuumada faderalka somalia ayaa maanta si rasmi ah u furtay duulimdaayada caalamiga ah iyo kuwa gudaha dalka kuwaas oo loo xiray sababo la xariira cudurka sida fudud ku faafa ee corona virus.

Xafladd kooban oo lagu daah furayay dulimayada gudaha dalka iyo kuwa caalamka dalka ayaa lagu qabtay gudaha garoonka diyaaraha Adan Cade ee muqdisho kuwaasi oo dib loogu furayay garoonka iyadoo ay goob Joog ka ahaayeen masuuliyiin ka mid ah dowladda Soomaaliya.

Waxaan xafladahaasi hadalo ka jeediyay masuulinyiin ka tirsan dowlada fadaralka somalia kuwaas oo ka hadlay furitaan ka duulimayada rayidka oo maanta dib loo furay.

Waxa masuuliyinta qaar oo goobta ka hadlay ay sheegen inay u diyarsanyihiin qabashada howsha adag ee hortaala maadaama wali uu jiro cabsida laga qabo halista cudurka covid19.

Dhankalena Golaha Wasiirka xukumadda Federaalka Soomaaliya ayaa shirka golaha wasiirada horay ugu ansixiyay in dib loo furo duulimaadyada gudaha dalka oo horay loogu hakiyay si loo xakameeyo faafitaanka cudurka corono virus .

Sidookle wasaarada gaadidka duulista hawada XFS ayaa horay usoo saartay sharciyada ay ku dhaqmayaan diyaaradaha lasiyay ogolaanshiyaha oo ay ka mid tahay in maalintii ay baxayaan ilaa iyo shan duulimaad marka dib loofuro duulimaayada gudaha dalka oo maanta daaha laga rogay

 

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here