Daahir Ciiro:-“Madaxda DFS ayaa Baajisay Kulankii Muqdisho Ka Dhici Lahaa”,+Dhageyso

0

Waxaa dib u dhac ku yimid kulanka u dhaxeeyay Madaxda Maamul Goboledyadda iyo kuwa doowlada dhexe ee soomaliya kasoo lagu balansana in uu maanta ka furmo Magaaladda Muqdisho.

Shirka oo horey uu  u iclaamiyay Madaxwayne Maxamad C/laahi Farmaajo waxaa ka hor yimid mamulada Jubbaland iyo Puntland.

Kulankan kii ka horeeyay ayaa ahaa mid ay qaab Online kuwada hadleen madaxda dowladda iyo kuwa Maamul Goboleedyadda,waxaana lagu balamay in mar kale la isku soo noqdo.

Daahir Ciiro oo kamid ah Siyaasiyiinta Soomaliyeed kana soo mid noqday barlamankii KMG  ahaa ayaa sheegay inay dowladda ay masuul ka tahay baaqashada kulankii lagu balansanaa.

Hadalka Daahir Ciro ayaa kusoo aadaya xili qilaafka maamulada iyo dowladda uu xoogeystay balse beesha caalamka ayaa cadaadis ku saaraysa inay heshiiyaan arintan iyo isjiijidka udhexeya dowlada dhexe iyo mamul goboleedyada qaar.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here