Maamulka Soomaliland ayaa u jawaabay dalka Shiinaha oo dhawaan digniin u diray maamulka Soomaliland, waxaana shiinuhu horay uu Soomaliland kaga digay in ay xiir la yeeshaan Twain oo shiinuhu uu aaminsan yahay qayb ka mid ah dalka Shinaha.
Waxaa maamulka Soomaliland ay sheegeen in ay xiiriirka u dhexeeya Twain iyo Somaliland uu yahy mid in muddo ah soo socday.
Wasiirka Arrimaha Dibedda, Yaasiin Faratoon, ayaa sheegay in aysan culeys u arag hadalka kasoo baxay Safaaradda Shiinaha ee Muqdisho.
“Shiinaha uma aragno in uu culeys yeelanayo, innagana Soomaaliya ayaa tidhaahda annagaa leh, iyana shiinaha ayaa dhaha anaa leh, lakiin labadayaduba waan madax bannaan nahay, namana quseyso”. ayuu yiri Wasiir Faratoon.

