Shabaab oo Weerar ku Qaaday Saldhig ay Ciidanka Ku Leeyihiin Duleedka Gaarisa

0

Dagaalamayaal ka tirsan shabaab ayaa lagu soo warramayaa in ay weerar ku qaadeen saldhig ciidanka Kenya ay ku leeyihiin duleeedka Gaarisa ee Gobalka Waqooyi bari Kenya.

Waxaa la sheegay koox hubaysan oo ka tirsan Shabaab ay  weerarka  soo qaadeen waxaana dhacay sida la sheegay dagaal u dhexeeya ciidanka Kenya eek u sugan halkaas iyo shabab.

War qoraal ah oo lagu faafiyay baraha Internet-ka Al-shaabab ayaa waxaa ku sheegeen in weerarka uu ahaa mid xoogan, isla markaana uu ka dhashay Khasaaro kala duwan oo la gaarsiiyay Ciidanka Kenya.

Sidoo kale Qoraalka ayaa waxaa lagu sheegay in diyaarad dagaal oo ay leedahay dowladda Kenya ay ku degtay deegaanka Faafi, isla markaana halkaas ay ka daabushay dhaawacyo soo gaaray Ciidanka Booliska.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here