Laamaha amaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta gacanta kusoo dhigay laba nin oo todobaadkii la soo dhaafay gudaha Magaaladda Muqdisho ku dilay wiil dhalinyaro ahaa.
Dilkaan ayaa ka dhacay Xaafadda Juungal oo ka Tirsan Degmadda Yaaqshid ee Gobolka Banaadir,waxaana lagu magacaabi jirey wiilka la dilay Ala Ha u Naxariistee Cabduqaadir Cabdullahi Goosaar.
Kadib howlgal ay sameeyeen ciidamadda amaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa suuragaliyay in gacanta lagu soo dhigo eedeysanayaasha.
Saraakiil ka tirsan Ciidamadda Booliska ayaa sheegay raggaan inay Xaafadda Juungal ee Degmada Yaaqshiid ay ku dileen wiil dhalinyaro ahaa oo ay ka dhaceen Mootada labada lugool leh ee loo yaqaan Fekonta,islamarkaan ay iibsadeen Mootadii,balse la ogaaday.
Falalka noocaan oo kala ah ayaa mudooyinkii dambe kusoo batay magaaladda muqdisho.

