Al-shabaab oo Sheegtay Mas’uuliyadda Dilka Shariif Mukhtaar

0

Al-Shabaab ayaa sheegtay Mas’uuliyadda dil xalay magaalada Baydhabo loogu geystay Nin Cuuriyaan ahaa oo gudoomiye u ahaa dadka baahiyaha gaarka ah qaba.

Dilkaan ayaa ka dhacay hoygiisa oo ku yaala xerada barakacayaasha Albaraka, oo ku dhow Garoonka Shaati-gaduud ee Magaalada Baydhabo.

Ninka la dilay ayaa lagu magacaabi jirey Shariif Mukhtaar ayaa waxaa lagu dhex dilay hoygiisa.

Al-shabaab ayaa sheegtay Mas’uuliyadda dilka sida warbaahintooda ay ku baahiyeen.

“Rag hubaysan oo katirsan dhaq dhaqaaqa Al Shabaab ayaa xalay magaalada Baydhabo ku dilay Col. Mukhtaar Cali oo katirsanaa saraakiisha CID-da dowladda,sida wararku sheegayaan sarkaalka ladilay oo muddo ka badan 10 sanadood la shaqeynayay laamaha ammaanka dowladda Federaalka ayay xoogaga weeraray waxay ka toogteen qeybaha sare ee jirkiisa”, ayaa lagu yiri warka Shabaab kasoo baxay.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here