Mahdi Maxamed Guuleed(Khadar), Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha JFS Mudane Inj. Cabdullaahi Cali Xasan iyo Safiirka dawladda Talyaaniga ee Soomaaliya, ayaa maanta si wada-jir ah xadhiga uga jaray dayac-tir lagu sameeyey dhismaha iyo xafiisyada Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Jamhuuriyadda Federaalka Soonaaliya.
Kulanka xadhiga loogga jaraayey, ayaa sidoo kale waxa ka soo qeyb-galay guddidii qaban-qaabada xuska 26ka Juun, Wasiiro, guddoomiyaha gobalka Banaadir, xildhibbaano iyo mas’uuliyiin kale oo tiro badan kaasi oo ka qabsoomay xarunta Wasaaradda ee magaalada Muqdisho

