Askari Dil ka Gaystay Dhuusamareeb oo La Soo Qabtay

0

Ciidamada ammaanka dowlad Gobaleedka Galmudug iyo ciidanka dowladda ee ku sugan xarunta maamulka Galmudug ee Dhuusamareeb ayaa sheegay maanta in ay gacanta kusoo dhigeen Askari dil ka gaystay magaalada dhuusamareeb.

Askarigan oo qof shacab ah ku dilay magaalada Dhuusamareeb, waxaana la sheegay in si barer ah uu askarigani dilka u fuliyay, wixii intas ka danbaysana waa uu isaga naxsaday goobtii uu dilka ka gaystay, inkastoo ciidanka ammaanku gacanta ku dhigeen sida ay sheegeen.

Magaalada dhuusamareeb ayaa waxaa dhowr jeer ka dhacay falalka noocaan ah oo ay gaysanayaan ciidanka dowladda eek u sugan Galmudug.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here