Wararkii Ugu Dambeeyay dagaal Ka Dhacay Woqooyiga Gobolka Galgaduud

0

Faah-faahino dheeraad ah ayaa laga helayaa dagaal u dhaxeeyay Laba Maleeshiyo beeleed oo ka dhacay Woqooyiga Gobolka Galgaduud.

Dagaalka ayaa u dhaxeeyay Laba Maleeshiyo beeleed oo wada dagan Deegaanka Xananbuure iyo miyiga ku xeeran deegaanka.

Inta la xaqiijiyay waxaa dagaalka ku dhintay 10-qof,waxaana dhaawacyadda lagu sheegay 20-meeyo,kuwaasi oo u badan dhinacyadda dagaalamaya.

Maamuladda isbitaaladda Dhuusa-mareeb iyo Guriceel ayaa sheegay in lasoo gaarsiiyay tiro dhaawacyo ah,islamarkaana ay la tacaalayaan.

Ma jiraan wali cid si dhab ah ugu guntatey xal u helida colaadan iyadoo madaxweynaha Galmudug iyo Dhamaan golihiisa Wasiiradu ku sugan yihiin Gaalkacyo, xili xaalada deegaankan aheyd mid maalmahanba laga deyrinayay .

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here