Degaanada maamulka Somaliland waxaa maanta si rasmi ah uga billawday imtixaanaadka Shahaadiga ah ee dugsiga sare looga gudbayo, waxaana saaka imtixaan u fariisatay wax ka badan 11,000 oo arday kuwaas oo galiya imtixaaankii ugu danbeeyay Iskuulka.
Arrinta ku cusub ayaa ah in hal maalin ay dhammaan gali doonaan Ardayda tobanka maaddo Sababo la xariira ka hortagga Cudurka Covid19.
Sida wasaraddu qorshaysay waxaa imtixaanka maanta lagu gali doonaa laba Boqol oo Goobood, kuwaas oo ay wasaaraddu ugu talagashay in imtixaanka lagu qado.

