Turky-ga oo War Kasoo Saaray Qaraxii Xerada Turksom ee Muqdisho

0

Dowladda Turky-ga ayaa cambaareysay qaraxii shalay ka dhacay Saldhigooda malatari ee Magaaladda Muqdisho.

Qoraal kasoo baxay Turkiga ayaa si kulul loogu Cambaareeyay Qaraxaas,oo uu fuliyay nin isku soo xirey waxyaabaha qarxa.

Dhanka kale Turky-ga ayaa tacsi u direy Ehelada dadkii waxyeeladda ay kasoo gaartay qaraxii shalay ka dhacay Saldhga Malatariga ee Magaaladda Muqdisho.

”Waxaan la qeybsaneynaa murugada saaxiibadeena iyo shacabka Soomaaliyeed ee walaalaha ah waxaan u rajeyneynaa naxariistii Allah ee kuwa naftooda ku waayey inta uu socday weerarka, waxaan tacsi u direynaa qoysaskooda”. ayaa lagu yiri qoraalka soo baxay Turkiga.

Ugu dambeyntii Dowladda Turky-ga ayaa sheegtay in ay sii wadi doonto taageeradda ay siiso Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here