Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa diiday in ay taageerto qaraar ka soo baxay Jaamacadda Carabta, kaas lagu xoojinayay mowqifka Masar ee ku aaddan biyo-xireenka ay Itoobiya ka waddo webiga Nile.
Qaraarka kasoo baxay Jaamacadda Carabta ayaa ugu baaqay Itoobiya in ay dib u dhigto buuxinta biyo-xireenka, illaa inta ay arrintaas heshiis buuxa kala gaareyso dowladaha Masar iyo Sudan oo ka walaacsan
Wasiirka Arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Axmed Ciise Cawad oo ka qeyb galay kulan dhanka qadka Internetka ah ayaa ku baaqay in saddexda dal ee ay xiisadda webiga ka dhexayso Masar,Sudan iyo Ethopia ay miiska wada-hadalka ku dhameeyaan khilaafkooda.
“Sida aan ognahay webiga Nile waxa uu nolol u yahay Masar iyo Sudan, wuxuu sidoo kale horumar u yahay dadka Ethiopia-da aan saaxiibka nahay, sidaas darteed waxaan ugu baaqeynaa Masar, Sudan iyo Ethiopia in ay xiisadda yareeyaan oo ay dhammaan arrimaha taagan ku xalliyaan miiska wada-hadalka” ayuu yiri Cawad.

