Dagaalamayaasha Al-shabaab ayaa sheegtay Masuuliyadda weerar is miidaamin ah oo saaka lagu qaday xero ay ciidanka Turkigu ku taba-baraan ciidanka Dowladda Soomaaliya.
Waxaana jira khasaare kala duwan oo ka dhashay qaraxaas, war lagu qoray baraha internet-ka ayaa lagu sheegtay in ay shabaab ka danbeeyeen, waxaana ay sheegeen in ay khasaare xooggan soo gaarsiiyeen ciidanka dowladda soomaliya ee taba-barka u socday iyo saraakiil turki ah.
Dhanka kale dowladda Soomaaliya ayaa ka hadashay weerarkaas, waxaana ay sheegeen in ay fashiliyeen qaraxaas ismiidaamin “qof xiran walxaha qarxa ayaa isku dayay in uu soo dhexgalo dhallinyaro Jaamacaddaha kasoo baxay oo doonayay in ay ciidamada kusoo biiraan, balse ciidamada ayaa ka shakiyay iyagoo toogtay ka hor inta aanu soo dhexgalin galin ardayda ” ayuu yiri Gen. Odawaa.

