Waxaa saaka qaraxyo is xig-xigay ay ka dheceen garoonka diyaaradaha magaalada Buulo-burte ee Gobalka Hiiraan, waxaana bur-bur xooggan uu soo gaaray qaybo ka mid ah garoonka.
Waxaa la sheegay in Qaraxyadaas oo gaarayay Saddex Miino nooca dhulka aaso ah ay sigaar ah ay uga dhaceen hoolka nasashada loogu talagalay ee Garoonka diyaaradaha degmada Buulo-burte, waxaana halkaas soo gaaray burbur xoogan.
Maamulka Buulo-burte ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegay in qaraxyada aysan geysan wax Khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah, maadaama xiliga qaraxyada ay dhacayeen ay aheyd waaberigii hore ee saaka oo goobta aysan joojin dadka.

