Faah-faahin:-Qarax Lagu Weeraray xerada 21aad ee Ciidamada Xoogga dalka

0

Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa oo saakay lagu weeraray xerada 21aad ee Ciidamadda Xoogga dalka Somaliya ay ku leeyihiin Degmada Bacaadweyn ee Koonfurta Gobolka Mudug.

Sida ay xaqiijiyeen saraakiil ka Tirsan Ciidamadda Xoogga dalka Soomaaliya,gaariga oo ku socday xawaare sare ayaa lagu dhuftay albaabka hore ee Xerada Ciidamadda.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in qaraxa ay ku dinteen laba askari oo ka tirsan Ciidamadda Xoogga dalka qaybta 21aad, sidoo kalena ay ku dhaawacmeen laba kale.

Xerada lagu weeraray Gaariga Qaraxa oo difaaceeda adkaa, ayaa sabab u noqotay inuu yaraado Khasaaraha soo gaari lahaa Ciidamada, maadaama difaaca hore ee xerada uu fog yahay.

Dhanka kale saraakiil ka Tirsan Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya ayaa sheegay in ay wadaan baaritaano la xariira qaabka uu qaraxa u dhacay.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here