Puntland oo Qaadacday Shirkii Farmaajo Ku Casumay Madax Goboleedyadda

0

Maamulka Puntland ayaa ka horyimid Shirka uu Madaxweyne Farmaajo ku casuumay Madaxda Dowladd Goboleedyada Dalka iyo Maamulka Gobolka Banaadir si looga tashado Arrimaha Doorashooyinka Soomaaliya.

Wasiirka Warfaafinta Puntland Cabdullaahi Cali Xirsi (Tima-Cadde) ayaa ugu horeyntii soo dhaweeyay Baaqii ka soo baxay Aqalka Sare ee ku saabsanaa in Madaxda Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada Dalka ay shir isu’gu yimaadaan si looga arrinsado Hannaanka Doorashada 2020/2021.

Waxa uu sheegay in Puntland aysan ka qayb-geli doonin Shirka uu ku baaqay Madaxweynaha Dowladda Federaalka Maxamed Cabdullaahi Farmaajo kaasi oo lagu casumay Madaxda Dowlad Goboleedyada iyo Maamulka Gobolka Banaadir.

Ugu dambeyntii Wasiirka Warfaafinta Puntland Cabdullaahi Cali Xirsi (Tima-Cadde) ayaa sheegay in Puntland aysan taageeri doonin qodobadda kasoo baxa Wada-hadalka Somaliya iyo Somaliland ee dalka Jabuuti.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here