Ciidamada Dowlada iyo AMISOM oo Shabaab kala Wareegay degaanka Luuq-jeeloow

0

Ciidamadda Dowladda Federaalka Soomaaliya oo garab ka helaya kuwa Jabuuti ee Howlgalka AMISOM ayaa Al-shabaab kala wareegay deegaanka Luuq-jeeloow oo 25 KM u jira Magaalada Baladweyne.

Guddoomiye ku-xigeenka siyaasadda iyo maaliyadda Gobolka Hiiraan Abuukar Maaddeey ayaa sheegay in howlgalka ay si wadajir ah u fuliyeen ciidamadda Dowladda Soomaaliya iyo kuwa Jabuuti uu suurtagaliyay in Shabaab lagala wareego deegaanka.

Waxa uu sheegay in howlgalka ay ka fuliyeen Luuq-jeeloow uu jawaab u ahaa Hoobiyeyaal ay Al-Shabaab kusoo tureen Magaalada Habeen hore.

Guddoomiyaha ayaa intaa ku daray in Shabaab ay gaarsiiyeen khasaare xooggan, ayna sii daayeen Dad badan oo sifo sharci darro ah ugu xirnaa Al-Shabaab.

Ugu dambayn wuxuu Guddoomiyuhu ballan qaaday in ay dhowaan Luuq-jeeloow ka hir-gelin doonaan dhammaan adeegyadii Bulshada, wuxuuna baaq adag u diry malleeshiyo Beeleedyada inta badan ku dagaallama Gobolka, isagoo sheegay inaan la aqbali karin in Dadka Shacabka ah lagu kor dagaaallamo.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here