Mareyanka oo War Kasoo Saaray Shirka u Dhexeeya Soomaliya iyo Somaliland

0

Safaaradda maraykanka ee Soomaaliya ayaa ka hadashay shirka soomaliya iyo maamulka Soomaaliland uga socda dalka Jabuuti.

Safiirka Maraykanka Soomaliya u fadhiya ayaa war qoraalka oo uu soo saaray ku sheegay in ay soo dhaweynayaan wada hadalada u billawday labada dhinaca.

War kasoo baxay safaaradda maraykanka ayaa lagu yidhi: “Safaaradda Mareykanka ee Muqdisho waxaa ay soo dhaweyneysaa furitaanka wadahadalka Dowladda Somalia iyo Somaliland ee maanta ka dhacay Djibouti. Waxaan amaaneynaa hoggaanka Madaxweyne Maxamed C / llaahi Farmaajo iyo Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi. Waxaana mahad leh Madaxweyne Ismael Cumar Geelle oo marti geliyay kulan taariikhi ah ayaa lagu yiri”.

Dalka jabuuti ayaa waxaa ka socda shir ay leeyihiin Soomaliya iyo Somaliland, waxaana shirkaan lagu faaqidi doonaa waxyaabo badan oo la xariira masiirka labada dhinac iyo sidii labada dhinac ay isku raaci lahayeen.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here