Dowladd Goboleedka Jubbaland ayaa qaadacday go’aankii Madaxtooyada Soomaaliya ee ahaa in aqoonsigii Axmed Madoobe in Madaxweyne KMG noqdo muddo 2 sano ah.
War saxaafadeed kasoo baxay Madaxtooyadda Jubbaland ayaa lagu caddeeyay in aanay jirin cid go’aan ka gaari karta muddo xileedka iyo doorashooyinka Jubbaland, si aan waafaqsaneyn Dastuurka, islamarkaana muddo xileedka hey’adaha loo doorto inay yihiin 4 sano.


