Pro Daqare:-“Kenya Waxay Doonaysaa Inay Ku Guuleysto Muranka Badda”,+Dhageyso

0

Prof. Cabdi raxmaan Daqare oo kamid ah xubnaha isbadaldoonka maamulka Jubbaland ayaa waxa uu si kulul uga hadlay socdaal qarsoodi ah oo uu shalay deegaanada Jubaland uu ku yimid taliyaha Ciidan kenya ee qeybta Somaliya.

Prof. Cabdi raxmaan Daqare ayaa waxa uu sheegay in arintaan ay qeyb tahay hagar daamoyinka  dowladda kenya ku hayso Somalia islamarkaasna ay kenya si sharcidara ah usoo faragalinayso  dalka.

Waxaana uu ku eedeeyay dowlada kenya in ay kala qeybinayso dalka islamarkaasna waxa uu xusay in ay wado kala qeybinta iyo in ay iska hor keento masuuliyiinta dalka  si ay uga faaideysato ayna ku gaarto danaha gaar ka ah ee ay ka leedahay Somali  waxaana masuuliyiin maamulka jubaland in ay u xaglinayaan dhanka dowlada Kenya.

Dhana kale  prof. Daqare ayaa waxa uu tilmaamay in dowlada kenya ay wali wado qorshaha ay rabto dowlada somalia ay kaga guulaysato muranka bada ee kala dhexeya somaliya.

Si kastaba Dowladaha somalia iyo keenya ayaa waxa ay ku muran sanyihiin arimaha la xirrira bada kaasi oo yaala maxkamada cadaalada aduun ee ICJ islamarkaasna dib loogu sababo laxariira cudurka safmarka ah ee Corona virus.

Dowladda kenya ayaa geed dheer iyo mid gaaban ba ay u koreysaa sidii ay dowladDa somaliy uga guulaysan laheyd muranka dhanka bada ee kala dhexaya.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here