Kalfadhiga 7-aad ee Baarlamaanka oo maanta Furmaya, Saxaafadda oo Loo Diiday

0

Saacadaha soo socda ayaa lagu wadaa in uu furmo Kalfadhigii ugu dambeeyay ee muddo xileedka xildhibaanada Golaha shacabka Baarlamaanka Soomaaliya iyo Aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa lagu wadaa in uu furo munaasabadda lagu daah furayo Kalfadhiga ugu dambeeya ee muddo xileedka golayaasha sharci dejinta halkaas oo khudbad uu ka jeedinayo madaxweynaha.

Qaban qaabada furitaanka Kalfadhigaan ayaa waxa ay ka socotaa Xarunta Villa Hargaysa ee Madaxtooyadda Somaliya, halkaasi oo lagu wado in Madaxweynaha uu ka furo kalfadhiga.

Dhanka kale Gudoomiyayaasha Golaha Shacabka ee Aqalka Sare ayaa ka qeyb galaya furitaanka kalfadhiga,waxayna jeedin doonaan khudbadahooda.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here