Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo oo haatan khudbad ka jeedinaya Furitaanka Kalfadhiga 7-aad ee Labadda aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in doorasho dalka ay ka dhaceyso.
Waxa uu sheegay in doorashada Soomaaliya ka dhaceyso dalka xiligii horey loo qorsheeyay, waxa uuna meesha ka saaray shakiga la galinayo in doorashada dalka dib loo dhigayo.
Sidoo kale waxa uu amray Xukuumadda Soomaaliya in ay ka shaqeyso sidii doorashada si xasilooni ah uga dhici laheyd dalka waqtigii loo qorsheeyay.
Sidoo kale Madaxweynahe Farmaajo ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay taageeraan doorashadda dalka ka dhacaysa,islamarkaana ay doortaan Xisbiga ay doonayaan xiligaas.

