Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Puntland ayaa si rasmiya u shaacisay in dib loo dhigay Wakhtiga la gelayo Imtixaanka Shahaadiga ah ee Puntland oo horay loo qorsheeyay 30-May 2020.
Qoraal ka soo baxay Xafiiska Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Puntland Cabdullaahi Maxamed Xassan oo lagu socod-siiyay Maamulayaasha Goobaha Waxbarashada iyo Mas’uuliyiinta heer Gobol iyo heer Degmo ayaa lagu sheegay in Imtixaanka Shahaadiga ah dib loo dhigay lana geli doono 27-June 2020.


