Guddoonka Labada Aqal ee Baarlamaanka Somaliya ayaa Magaaladda muqdisho kulan kula Yeeshay Guddiga Wadajirka ee Diyaarinta Xeerarka Dhameystirka Sharciga Doorashooyinka Qaranka.
Qoraal lagu daabacay barta Facebooka ee Guddoonka Golaha shacabka ayaa lagu sheegay in Guddiga warbixin laga dhageystay.
“Guddoonka Labada Gole ee Baarlamaanka Federaalka Somaliya ayaa warbixin ka dhageystay Guddiga Wadajirka ee Diyaarinta Xeerarka Dhammaystirka Sharciga Doorashooyinka Qaranka.” Ayaa lagu yiri qoraal lagu daabacay bogga Golaha Aqalka Sare uu ku leeyahay Facebook.
“Warbixinta Guddiga Wadajirka ee Labada Gole waxaa jeediyay Gudomiyaha Guddiga, Xildhibaan Ibraahim Isaaq Yarow.”







