Kenya oo Dalbanaysa in Dib Loo Dhigo Kiiska Muranka Badda

0

Dowladda Kenya ayaa Maxkamadda ICJ  ee dalka Holland ka dalbanaysa in dib loo dhigo kiiska Muranka Badda, sababo dhaqaale oo jira iyo culayska fayraska korona awgood.

Dowladda Kenya ayaa sheegtay in fayraska Karona uu saameyn ku yeeshay shaqada qareennada ku matalayay dacwadda oo ay sheegtay inay kala xayirmeen.

Sidoo kale Kenya ayaa sheegtay in xanuunka safmarka ah uu saameyn ku yeeshay dhaqaalaha dalkeeda iyada oo tilmaamtay in miisaaniyada dowladda dib loogu eegayo si ahmiyad loo siiyo arrimaha deg degga ah ee muhiimka ah sida la dagaalanka xanuunka fayraska Karona oo aanay lacag ay ku bixiso khidmadda qareenada haatan heli karin.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here