Dowladda Federaalka Soomaliya ayaa ka hor timid in dib loo dhigo Dhageysiga dacwada badda dalalka Soomaaliya iyo Kenya.
Ra’isal wasaare ku xigeenka Soomaaliya, Mahdi Maxamed Guuleed, ayaa sheegay in dunida uu Saameyn ku yeeshay Korona,balse aysan aqbali doonin in dib loo dhigo Kiiska badda.
“Waa run in dunida cudurkaasi uu ka dilaacay oo maqal furan oo maxkamadda gudaheeda ahi aanay dhici karaynin, isu socodkii aanu jirin oo duulimaadyadii lagu tegi lahaa Hague aanay jirin oonay shaqaynayn oo dal walba albaabadu u xidhanyihiin. Hase yeeshee maxkamaddu waxay soo saartay in shaqadeedii ay wadi doonto habka maqalka iyo muuqaalka ahna ay dacwadaha ku dhegaysan doonto. Bishan Juun dalal dhawr ah ayaa dacwadahooda lagu dhegaysanayaa maqal iyo muuqaal, ilaa hada hal kiis ayay ku dhegaysatay, markhaatiyona way ku dhegaysatay maxkamadu maqal iyo muuqaal, markaa anaga waan ka hor nimi waan diidnay mawqifka Dawladda Federaalka Soomaaliya waxa weeye in aan dacwadaas maalin dib loo dhigin”, ayuu yiri Ra’isal wasaare ku xigeenka Soomaaliya, Mahdi Maxamed Guuleed.

