Wefdi Uu Hogaaminayo Guddonka Labada Aqal ee Baarlamanka Jamhuuriyadda Federalka Soomaliya Ayaa Kuso Wajahan Magalada Muqdisho,
Guddomiyaha Golaha Shacabka BJFS Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxman Iyo Marwada Guddomiyaha Xildhibaan Samiira Xassan Iyo Guddomiyaha Aqalka Sare Mudane Cabdi Xashi Cabdilaaha Iyo Marwadiisa, Mdaxweynihii Hore Mudane Xassan Sheekh Maxamuud Qaar Kamid Xildhibano Ka Tirsan Baarlamanka Soomaliya Ayaa La Filaya Goordhow Inay Soo Gaaran Magaalda Muqdisho
Mas’uuliyiintan ayaa ka mid ahaa dadkii ku go’doomay dalka Turkiga, bil ka hor markii Adduunka oo dhan uu hakiyay duulimaadyadii.
Guddoomiyeyaasha labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka ayaa ku sugnaa dalka Turkiga, intii uu fasax ku jiray baarlamaanka labada aqal, waxayna dhawaan sheegeen in dib loo dhigay Kulamadda Baarlamaanka, sababo la xiriira Coronavirus.
Guddonka Labada Aqal ee Baarlamanka Jamhuuriyadda Federalka Soomaliya Ayaa lagu wadaa in ay dhawaan shaaciyaan qaabka dib loogu bilaabi doono Kulamada Baarlamaanka federaalka soomaaliya oo hakad ku jirey bilooyin.
Sidoo kale waxaa lagu wadaa in dhawaan la horgeeyo qaabka ay noqon doonto doorashada Soomaaliya ka dhacaysa sida ay sheegtay Gudooomiyaha Guddiga Doorashooyinka qaranka Soomaaliya Xaliimo Ismaaciil (Xaliimo yarey).

