Madaxwaynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa kulan degdeg ah oo uu iskugu yeeray culimada iyo imaamyada masaajidada magaalada Kismaayo ayaa kala hadlay khatarta iyo dhibaatada xanuunka COVID-19 ku haayo ummadeenna, Waxaa uuna dhammaan culimada iyo imaamyada faray in la xiro masaajidada guud ahaan Jubbaland.
Kulankaan oo ka dhacay Xarunta madaxtooyada Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa lagu amray culimada iyo imaamyada magaalada Kismaayo in la xiro masaajidada si dadka looga badbaadiyo xanuunka corona Virus oo khatar badan ku haaya dunida gaar ahaana dadkeenna Soomaaliyeed.
Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa sheegay in Jubbaland ay wajaheyso Xaalada adag oo ku aadan Caabuqa- COVID-19 kaasi oo saameyn adag ku yeeshay qaarka mid ah Shacabka Soomaaliyeed ee Jubbaland qaarkood ay geeryoodan Xanuunkaan dilaag ah.
Madaxweyne Islaam ayaa sheegay in Maamulkiisa uu utaagan yahay sidii loo ilaalin ahaa Badqabka iyo Nabad-galyada Shacabka Jubbaland sidaas daraadeedna ay waajib ku tahay in la qaado Tilaabo walba oo wax lagu Badbaadin karo.
Dhankale Madaxweynaha Jubbaland ayaa kulan la qaaday Saraakiisha Ciidamada qalabka sida oo uu ku amray inay Foojignaan Dheeraad ah ka galaan falaal lagu qalqalgalinaya Amniga Jubbaland inla lagu guda jiro Maalmaha ka harsan Bisha Barakeysan Ramadaan,waxaana sheegay in la Xaqiijiyo Guud ahaan Amniga deegaanada Jubbaland si Shacabka jubbaland ay Nabad-galyo buuxda ugu dameystaan gudashada waajibaadka Bisha Barakeysan Ramadaan.
Amarada uu soo saaray Madaxweynaha Jubbaland ayaa ku soo aaday Xili Jubbaland ay wajaheyso saameynta Caabuqa Covid-19 iyo Dagaal Siyaasadeedka Dowladda Soomaaliya iyo Dagaalka Tooska ah ee Ciidamada Jubbaland iyo Xooga dalka Soomaaliyeed ay kula jiraan Al-shabaab oo la sheegay inay ku howlan yihiin weeraro ay geystaan deegaan Jubbaland oo ay ugu horeyso Magaalada Kismaayo

