Ciidamadda Dowladda oo Dilay Cabdi Muxsin Sheekh Xuseen (Abuu Bakar)

0

Wararka ka imaanaya Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa ku waramaya in ciidamadda Xoogga dalka Soomaaliyeed ay fuliyeen howlgal lagu dilay Sarkaal ka Tirsanaa Xarakadda Al-shabaab.

Howlgalkaan ayaa ka dhacay wadada xiriirisa deegaanka Janaale iyo Degmada Qoryooley ee Gobolka Shbaeelaha Hoose.

General Cabdixamiid Maxamed Dirir, Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka, ayaa xaqiijiyay howlgalka lagu dilay sarkaalka ka tirsanaa Al-shabaab,islamarkaana uu ka dhacay Kabtan Laas iyo Buulo Sheekh, oo hoos-tagga Degmada Qoryooley.

Waxa uu sheegay in sarkaalka la dilay oo lagu magacaabi jirey Cabdi Muxsin Sheekh Xuseen (Abuu Bakar), uu ahaa madaxii Shabaab ee Degmada Qoryooley iyo deegaanada hoosyimaada.

Ciidamadda Dowladda Soomaaliya ayaa wada howlgalo ay Shabaab kaga qabsanayaaan Deeganadda ay kaga sugan yihiin Gobolka Shabeelaha Hoose ee Koonfurta dalka Soomaaliya.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here