Akhriso:-Xarakadda Al-Shabaab oo Beenisay Warar Laga Baahiyay

0

Al-shabaab ayaa beeniyay warar la baahiyay oo ku saabsan in lacag Madax furasho ay ka qaateen Haweeney u dhalatay Talyaaniga oo ay ku haysteen Gudaha Soomaaliya, taasi oo todobaadkaan lasii daayay.

Wargeyska La Repubblica ee kasoo baxa wadanka Talyaaniga ayaa sheegay in uu waraysi ka qaaday afhayeenka Al-Shabaab Sheekh Cali Dheere kaas oo uu wargeysku sheegay inuu u xaqiijiyay in Shabaab ay madax furasho kusii daysay Caa’isha Romano oo ah gabar Talyaani ah.

Xafiiska Warfaafinta Xarakada Al-Shabaab ayaa waraysigaas ku sheegay mid been abuur ah oo aanan sal iyo raad toona lahayn islamarkaasna uusan jirin wax waraysi ah oo Sheekh Cali Dheere uu siiyay Wargeyska.

“Ma jiro wax waraysi ah oo uu afhayeenka Xarakadu siisay guud ahaan warbaahinta oo ku saabsan arrinta Caa’isha Romano hadalka wargeyska Talyaaniga ah ee La Repubblica uu soo daabacayna waa been abuur uu wargeysku jeebkiisa kala soo baxay”, ayaa lagu qoray warbaahinta Shabaab.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here