Wararka aan ka helayno Gobolka Gedo ayaa kusoo uwaramaya in deegaanno ka katirsan Gobolkaasi ay ka socdaan dhaqdhaqaaqyo Ciidan oo iska soo horjeedo kuwaas oo ay wadaan Ciidamo kala Taabacsan Dowladda Federalka Soomaaliya iyo Ciidanka Dowladda Kenya oo uu hogaaminayo Wasiirka Amniga Jubbaland C/Rashid Xasan Cabdi Nuur Janan
Dhaqdhaqaaqan Ciidan ee ka soconaya Gobolka Gedo ayaa yimid kadib markii maalmahii dambe Uu khilaad u dhaxeeyey Madaxeynaha Maamulka Jubbaland Axmed maxamed islaam Axmed Madoobe iyo madaxweyne ku xigeenka koobka ee Maamulkaasi waxana lagu eedeynaya Dowladda keyna in ay Gadaal la riixayso dhaqdhaqan Ciidan ee ay wadaan Ciidamada ka amar qaata Wasiirka Amniga Maamulka Jubbaland Cabdrashiid Xasan Cabdi Nuur Janan kuwas oo qalaas galinayo Deeganada Gobolka Gedo sida ay inoo xaqiijiyeen qaar kamid ah mas’uuliyiinka gobolkaasi
Sarkaal la katirsan Ciidanka Dowladda Soomaliya oo kusugan Gobolka Gedo ayaa Idaacadda Simba ee Magaalada Muqdisho usheegay in dhaqdhaqayo Ciidan oo iska soo horjeedo ka socdan Gobalka gedo islamrkana ay udhaxeeya Ciidama dowladda e kusugan halkaasi iyo Ciidamo ka amar qaata waziirka Amniga Jubbaland oo ku sugan inta udhaxeya Magaaloyinka Mandheera iyo Baladxaawo Asaga oo xusay Ciidama Dowladda Soomaliya ay ku eedeyaan dhaqdhaqaqaqyadasi Dowladda Kenya oo ayadu halkaasi ka wado falal Amniga liddi ku ah waxa uuna shegay in Ciidamada Dowladsa ee kusugan halkaasi ay diyaar garooben in cidkasta o ay u arkan in ay dhibaatooyin wadan Deegaanada Gobolka gedo ayna Jawaab ka bixinayan sidoo kalana ay tilaabooyin adag oo deg dega ka qaadayaan islamarkaa ay heegan Buuxa kujiraan
inta badan waxa soo laablaabo dhaqdhaqaayada Ciidan ee ka Socdo Deegaano ka Tirsan Gobolka Gedo kuwaaa oo lagu eedeye in ay halkaasi kawadaan Ciidamo kala taageersan Dowladda Federalka Soomaaliya iyo Ciidanka oo uu Hor kacayo waziirka Amniga Jubbalan C/Rashid janan oo taageyo is helayo Dowaldda Kenya ayagoona Deegaanadaas ay kawadaan falal Qalqalganiyo Amniga Goblka Gedo kuwas oo Cabsi xoogan at ka qaban Bulshasa ku dhaqan Gobolka Gedo.

