Waxaa isi-soo taraya qayla dhaanta kasoo yeeraysa Boqolaal Qoys oo danyar ah kuwas oo dhibaato xooggani ay kasoo gaartay roobab xalay ka da’ay muqdisho.
Roobabka ayaa si gaar ah u saameeyay xalay qooysas ku nool degmada dherkeenlay ee Gabalkani Banaadir gaar ahaan halka lagu magaacabo Biyadageenka.
Waxaan la hadalnay qaar ka mid ah qoysaska ay roobabku sameyeen, iyagoo ino sheegay in xalay guryahooda uu qaaday daad, sidoo kale waxaa ay inoo sheegen in guri ka agdhawaa QOOYSASKA AY KU DHACDAY Biriq taasina ay keentay ay dhibaato kasoo gaartay guryaha ay ku sugnaayeen dadkaan danyarta ah, waloow guriga ay ku dhacaday Biriqdu uu ahaa guri cidla ah.
Dadkaan shacabka ah ayaa xalay ku baryay bannaanka, waxaana korkooda ku dhammaaday roobabkii xalay da’ayay, waxaana intaas u dheer qabowga roobka , caruur, wayeel iyo qaybaha kala duwan ee bUlashada ayay ka kooban yihiin dadkaan danyarta ah ee dhibanaha u noqday roobabkii xalay.
Dhanka kale waxaa ay sheegeen in ay dhibaato ku hayaan ciidamo ay sheegeen in ay ka tirsan yihiin kuwa degmada oo dhowr jeer ka dumiyay Biyo xireenno ay samaysteen si ay uga gaashaantaan Daadadka kusoo rogmada, iyogoo intaa ku daray in maalmo ka hor Cagaf cagaf la galiyay jawaanno iyo carro ay u sameysteen in ay isaga difaacaan daadadka kusoo rogmada guryahooda.
Maamlmihii lasoo dhaafay waxaa magaalada ka da’ayay roobab mahiigaan ah oo saameeyn kala duwan ku yeeshay dad shacab ah, haba ugu badnaadaane kuwa aan haysan meel ay kaga gabbadaan roobabka

