Wasiir ka tirsan Maamulka Puntland,ayaa sheegay in uu ku dhacay Caabuqa-Carona Virus.
Wasiirka Ganacsiga, Warshadaha iyo Maalgashiga Puntland Cabdullaahi Cabdi Xarsi oo qoraal soo dhigay bartiisa bulshadda ayaa sheegay in uu ku dhacay Cudurka,islamarkaana uu kasoo bogsaday.
“Waxaa igu dhacay Covid19. waana ladanahay hadda. Qandho iyo wareer baa iigu darnaa maalmihii lasoo dhaafay. Waxaan isku xanibay guriga, cidna isma aragno, meelna umma baxo. Si aanan dad kale u qaadsiin, waxaan xanibnaan doonaa muddo 14 beri ah insha Allaah” ayuu qoraalka ku yiri Wasiirka Ganacsiga Puntland.
Sidoo kale Wasiirka Ganacsiga,Warshadaha iyo Maalgashiga Puntland ayaa dadweynaha u soo jeediyey in qofkii uu ku dhaco Covid-19, uu is karantiilo, si uusan u faafin xanuunka.
“Waxaan soo jeedin lahaa in qofkii xanuunsada uusan gurigiisa dhaafin. Hadii qofkaas Covid-19 ku dhacay caafimaad dareemayo, waxaa jira dad waayeel ah iyo dad xanuuno kale qabay oo aan u adkaysan karin Covid19” ayuu yiri Wasiir Cabdullaahi Cabdi Xirsi.

