Madaxweynaha Hir-shabeelle oo Sheegay in ay Lacago Ka Heleen DFS Iyo Jabuuti

0

Madaxweynaha Maamulka Hirshabelle, Maxamed Cabdi Waare oo gaaray Magaaladda Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa sheegay inay soo gaareen lacago ka kala yimid Dowladaha Somaliya iyo Jabuuti.

Qoraal uu soo dhigay bartiisa bulshada ayuu ku sheegay in lacago ay ka kala heleen Dowladda Dhexe iyo Dowladda Jabuuti.

Waare ayaa sheegay in lacagahaasi loogu talagalay ka hortagga fatahaadaha ku soo noq noqday Xarunta Gobolka Hiiraan. Lacagahan ayuu sheegay inay si toos ah u soo wada gaarsiisay Dowladda Somaliya.

“Waxaa 10/5/2020 naga soo gaaray Dowladda Federalka Somaliya: $600,000 oo Dowladda Jabuuti (Hiil Walaal) ka timid. $500,000 Dowladda Federalka Somaliya ah. $42,000 Guddiga Gargaarka ee Heer Qaran loogu talagalay fatahaadda.” Ayuu qoraalka ku sheegay Madaxweynuhu.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here