Weerar ka Dhacay Boosaaso iyo Maamulka Puntalnd oo Ka Hadlay

0

Ciidamada Amniga Puntland ayaa gacanta ku dhigay gaari ay wateen maleeshiyadii hubeysneyd, waxaana gaariga saarnaa hub iyo qaraxyo la sheegay inay doonayeen inay ka fuliyaan gudaha magaalada Boosaaso.

gudaha magaalada Boosaaso, ayuu  ka dhacay iska horimaadkaani waxaana  kugeeriyooday Laba qof oo mid kamid ah uu yahay ruux katirsan kooxdii weerarka soo qaaday.

Taliyaha qeybta booliska gobolka Bari G/Sare Xussen ayaa sheegay in kooxdaan ay doonaayeen in ay weeraraan xarumo muhiim ah oo ku yaalla Magaalada Boosaaso.

Ma ahan markii ugu horreysay oo degaanno ka tirsan maamulka Puntland ay ka dhacan falal amniga lagu qal-qal galinayo, waxaana tiro dhowr jeer ah ka dhacay qaraxyo iyo weeraro toos ah.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here