Dowladda Maraykanka ayaa ku dhawaaqday in muwaadiniinteeda ku sugan soomaaliya ay si deg deg ah ugala bixidoonto, war kasoo baxay safaaradda maraykanku ay ku leeyihiin Soomaaliya ayaa lagu sheegay in dhawaan ay bilaaban doonto daadguraynta muwaadiniinta Maraykanka ee ku sugan gudaha dalka Soomaaliya.
Waxaa ay u sababeysay dowladda Maraykanku xaalado la xariiro caabuqa Covid19 iyo cabsi ay ka qabaan in saameeyn uu ku yeesho muwaadiniinta maraykanka ah ee jooga soomaaliya.
Si waliba dalka Soomaaliya ayaa ka mid ah waddamada uu saameeyay Covid19 balse waxaa xusid mudan in dalka maraykanku uu yahay dalka dadka ugu badan ay ugu dhinteen caabuqa covid19.

