AMISOM ayaa sheegtay In ciidamadda Ethopia aan qeybta ka aheyn Howlgalka AMISOM ee Soomaaliya ay todobaadkii aynu soo dhaafnay soo rideen diyaaradd kuwa rakaabka ah,Degmadda Bardaale ee Gobolka Baay.
Qoraal kasoo baxay Taliska Ciidamada Midowga Afrika Amisom, ayaa looga hadlay baaritaanada ku saabsan diyaarad Ciidamada Itoobiya ay ku soo rideen Degmada Bardaale ee Gobolka Baay.
Warbixinta Amisom waxa ay ku cadeeyeen diyaaradaasi inay soo rideen Ciidamo Itoobiyaan ah oo aan ka tirsaneyn hawlgalka Amisom, waxaana Amisom ay sheegeen in Ciidankaasi ay ka shakiyeen jihada ay ka timid diyaaradaasi,islamarkaana laga shakiyay.


