Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Ximin iyo Xeeb ayaa ku geeriyooday magaalada muqdisho,
Cabdi Axmed Nuur (Cabdi Kuus) ayaa ku xanuunsanaayay dhawaanahaan magaalada muqdisho, waxaana tacsi u diray madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Kaariye Qoor-Qoor.
“Waxaan Tacsi tiiraanyo leh udirayaa qoyskii, qaraabadii iyo dhamaan umada soomaaliyeed ee uu ka baxay Allaah ha u naxariisto Madaxwayne ku xigeenkii hore maamulkii Ximan iyo Xeeb, AUN Cabdi Maxamed Axmed Nuur (Cabdi Kuus), oo ku geeriyoodey Magaalada Muqdisho Waxaan Alle uga baryeenaa inuu unaxariisto, Ehelka iyo Umada reer Galmudugna samir iyo iimaan Allaah ha ka siiyo” ayuu yiri Madaxweyne Qoorqoor.

