Al-shabaab ayaa sheegay in duqeyntii shalay ay la beegsadeen Xiradda Xalane ee Magaaladda muqdisho ay ku dhinteen 4-ruux oo ajaabiin ahaa.
War kasoo baxay Al Shabaab ayaa lagu sheegay in duqeynta ay ku dhinteen Afar ruux oo ajaanib ah kuwaas oo madaafiicdu ay ku haleeshay gudaha Xalane.
“Duqeyntii ay Shabaab shalay ku qaadeen xerada Xalane waxaa ku dhintay 4 ajnabi ahaa sedax kalane dhaawacyo ayaa soo gaaray” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Al Shabaab.
Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay dhanka AMISOM oo looga hadlaayo duqeynta ka dhacday Xiradda Xalane ee Magaaladda Muqdisho.

