Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Gen. Cabdi Xasan Maxamed ayaa xilka qaadis ku sameeyay taliyahii booliska Saldhigga degmada Boondheere.
Najiib Carab ayaa xilka qaadis lagu sameeyay kadib fal dil ah oo xalay ka dhacay degmadaas, waxaana jirtay in tan iyo saaka ay magaalada ka socdeen banaanbaxyo ballaaran oo looga soo horjeedo falkii xalay uu ku kacay mid ka mid ah ciidanka dowladda Soomaaliya.
Tallaabadaan ayaa u muuqata mid shacabka caraysan lagu dajinayo, iyadoo duqa Gobalkani Banaadir Cumar Filish uu dad weyne maanta isku soo baxay ka hor shegay in caddaalad ay heli doonaan.

