Taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliya Gen. Cabdi Xasan Maxamed Xajaar oo goordhaw shir jaraa,id ku qabtay Muqdisho ayaa sheegay in bandowgii lagu celiyay 8:00 fiidnimo iyadoo la tixgalinayo cabashada dadweynaha.
Waxa kale uu taliye Gen: Xijaar uu sheegay in askarigii dilka geystay la xiray, taliyihii saldhigga degmada Boondheere Najiib Carabna xilki laga qaaday
Taliye Xajaar ayaa shaaciyay in aanu bandowgu saameyn doonin dadka kali kali ama labo labo u socda xiliga habeenki.
Shacabka Degmada Boondheere ayaa tan & saaka waxa ay wadeen Banaanbaxyo ay uga soo horjeedeen ciidamada dowladda Federalka Somaliya, kadib markii Askari Booliska xalay uu si bareer u dilay laba ruux oo shacab ah.

